|
Dowladda Uganda oo Sheegtay in ay Guulo ka Gaareen Howlaha Soomaaliya |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Friday, 02 May 2008 |
|
Uganda,(insidesomalia.org)- Taliyaha Ciidamada lugta ee Dowladda Uganda Katuba Wamala ayaa waxa uu sheegay in ay guul ka gaareen howlaha ay Ciidamada AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Katuba Wamala ayaa ka sheegay Xaflad ka dhacdhcay Deegaanka la yiraahdo Mubende oo ah deegaanka Ciidamada Uganda ay ku leeyihiin meel u dhaw Magaalada Caasimada ah ee Kambala.
Taliyaha ayaa waxa uu beeniyay wararka sheegaya in Magaalada Muqdisho ay tahay deegaan aan la tagi Karin, wuxuuna uu sheegay in howsha Soomaaliya ay ka wadaan ay tahay mid aan fududeyn.
Hadalkaan ayuu taliyuhu ka jeediyay Xaflad gaar ah oo lagu soo dhaweynayay Cutub ka tirsan Ciidamada Uganda oo ka tagay Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa uu sheegay in ay muujinayso xaaladaha ay ka wadeen Magaalada Muqdisho in tahay mid wanaagsan.
|